Waxtarka sabiibka ee caafimaadka iyo dareenka ninka iyo naagta

Sabiibka waxtar badan ayuu u leeyahay caafimaadka halkan ayaan kusoo kuubi doonnaa waxyaalaha uu u taro ninka iyo naagta, sidoo kale xaga awooda galmada uu siin karo lamaanaha is qaba.
Waxtarka sabiibka ee caafimaadka iyo dareenka ninka iyo naagta


Marka hore waxaad ogaataa sabiibka inuu leeyahay vitamin badan oo aan lasoo koobi karin sidoo kale dufan ayuu leeyahay iyo macaadin badan oo kala duwan oo caafimaadka jirka guud ahaan u fiican.

Sabiibka iyo daaweynta dhiigyarida

Sababiibka wuxuu u roon yahay dadka dhiigyarida hayso, qofka sabiibka cunayo dhiigyaraan kuma dhacdo, wuxuu siiyaa jirka awood badan la xiriirta dhanka dhiiga.

Waayo sabiibka waxaa ku jirto macdanta birta ama feerada sidoo kale wuxuu wataa vitamin C oo qofka ugu kaalmeynaya jirkiisa inuu cuntada kala baxo birta ama feerada sidaa qofka dhiigyarida hayso waxaa la faraa inuu cuno zabiibka madow.

Sababiibka iyo caafimaadka dheefshiidka

Sabiibka qalalan wuxuu leeyahay waxa lagu magacaabo alyaaf ama qashar kuwaas oo biyaha ku dhex dhalaalo waxay qofka ugu kaalmeeyaan in calooshiisa ay socoto, qofkii zabiib cunaya calool fadhi kuma dhaco.

Sabiibka iyo xoojinta caafimaadka lafaha

Sabiibka wuxuu xoojiyaa caafimaadka lafaha wuxuuna qofka ka ilaaliyaa lafaburbur maxaayeelay waxaa ku jiro vitamino u roon lafaha wuxuu wataa kalsium iyo butasium  iyo maaar iyo fosfoor iyo manganiiz
Waxaa la ogaaday dadka sabiibka aad u cuna inaysan lafaha ka burburin.

Sabiibka iyo xoojinta maskaxda iyo xusuusta

Daraasooyin badan ayaa tilmaamay in sabiibka uu xoojiyo maskaxda sanadka 2018-kii ayaa sheegay joornaal lagu macaabo "Preventive Nutrition and Food Science" .
Waxaa la ogaaday in sabiibka maskaxda iyo xifdinta uu xoojiyo, marka qofka raba inuu u adeegsado xifdinta waa inuu cunaa subaxdii asoon wax kale cunin.

Sabiibka iyo xoojinta caafimaadka wadnaha

Sabiibka wuxuu xoojiyaa caafimaadka wadnaha, wuxuu yareeyaa qofka inay ku dhacaan jirooyinka la xiriira dhiiga iyo wadnaha.
Wuxuu hagaajiyaa garaacida wadnaha sidoo kale halbowyada ayuu ka ilaaliyaa inay adkaadaan oo ay soo kaduutaan.

Sabiibka iyo iftiinka maqaarka jirka

Sabiibka jirka ayuu qurxiyaa qofka sabibka cunaya jirkiisa wuxuu yeelanayaa iftiin iyo dhaldhalaal, xataa qofka wuxuu u muuqanayaa inuu yahay qof da' yar.
Wejiga ayuu ka ilaaliyaa kadkaduudka.


Sabiibka iyo difaaca cudurka kansarka

Sabiibka wuxuu ka hortagaa cudurka kansarka taasna waxaa lagu ogaaday cilmibaaris badan, wuxuu dilaa unugyada kansarka ka samaysmo, marka sabiibka caadi ma aha.

Qofka cunaya wuxuu siyaa waxyaalo badan aan halkan laghu soo koobi karin.

Sabiibka iyo cayilka jirka

Sidoo kale sabiibka waa lagu naaxaa, qofka sabiibka cunaya dhaqsi buu ku cayilaa, waliba waxaa ugu fiican dhankaas sabiibka aadka u madow, qofka jirkiisa wuu cayiliyaa.
Dadka raba inay cayilaan sabiibka wuu u roon yahay cayilka jirka, marka si fiican ha u cunaan.

Sabiibka iyo bulunbuliga ilkaha


Sabiibka wuxuu la dagaalamaa bulunbuliga ilkaha galo, taas waxaa lagu ogaaday cilmibaaris lagu sameeyay sabiibka faa'idada uu u leeyahay ilkaha, wuxuu ka ilaaliyaa afka bagteeriyada keeni karta ilka inay burburaan.

Sabiibka iyo awooda kacsiga ninka iyo naagta


Zabiibka wuxuu wataa maaddo lagu magacaabo Arjiniin taas oo kacsiga xoojisa waxay daawo u tahay raga guska ka damo xiliga ay galmadu socoto, sabiibka aad buu ugu roon yahay dadka noocaas ah, wuxuu siiyaa awood xaga kacsiga.

Sabiibka iyo awooda kacsiga ninka iyo naagta


Sidoo kale dumarka iyagana wuxuu siiyaa dareen kacsi markay cunayaan zabibka.

Waxaa kaloo sugan sabiibka inuu badiyo biyaha shahwada  ninka sidoo kale wuxuu xoojiyaaa tayada ay leeyihiin.

Halkaan ka akhris cuntooyinka kordhiya dareenka galmada

Sabiibka habka loogu isticmaalo galmada

Waxaad keenaysaa koob caano waxaad ku shubaysaa xoogaa zabiib iyo geedka sacfaraanka muddo markay isku dhalaalaan ayaad cabbaysaa galmada ka hor waxaad dareemaysaa raaxo iyo kacsi xoog badan.

Caanaha sida la og yahay galmada way u fiican yihiin, halkaan ayaad ka akhrisan kartaa caanaha waxa ay u taraan raga iyo dumarka.

Sidoo kale sabiibka wax badan ayuu leeyahay halkaan ayaad ka akhrisan kartaa faahfaahin dheeraad ku saabsan zabiibka.

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post