Quruxda gabadha runta iyo midda beenta

 Quruxda gabadha runta waxay leedahay calaamo lagu garto, laakin midda beenta way iska caddahay waxaa lagu siri karaa qofka aan meel fog wax ka eegin, marka quruxda dhabta ah uma baahna in la naashnaasho.

Samanka aan joogno naagta waxay adeegsaneysaa waxyaalo badan oo laysku quruxiyo si ay u baddasho wejigeeda iyo sankeeda iyo timaheeda waxaas oo dhan waxay u adeegsanaysaa make up marka haddaba naagta maxaa lagu garan karaa inay adeegsatay waxyaalo fake ah oo laysku qurxiyo.

Quruxda gabadha runta iyo midda beenta

Marka hore waxaad ogaataa quruxda wejiga inay tahay midda ugu muhiimsan wejiga wuxuu ka kooban yahay afka iyo indhaha iyo sanka iyo ilkaha iyo faruuryada.

Marka kuwaas ay isku dheellitiran yihiin waxaa la dhihi karaa naagta noocaas ah waa naag qurux badan laakin marka naagta ay tahay naag ilko dheer leh ama naag san weyn ama naag wejiga ka ballaaran ama naagta indho buur buur leh markaas quruxda wejiga waxaa soo galayo arrin oo ninka ka cabsiinayso.

Hadda waxaa jira makeup oo baddalaya wejiga dumarka oo dhan way adeegsadaan naagta wajigeeda si yaab leh ayuu isku baddalaa naagta marka ay iska dhaqdo makeupkaas waaba naag kale.

Waxaana u badan gabdhaha shukaansiga ku jira ama guurdoonka ah inay wejiga baddalaan.

Marka ninka raba inuu naag guursado waxaa laga yaabaa inuu ku wareero naagta uu guursanayo.

Habeenkii waa nooc kale maalintiina waa nooc kale.

Naagta ugu qurxoon wejigeeda waxba uma baahna waxaa ku filan kaliya biyo inay ku dhaqdo, laakin naagta foolxumada ku istaagtay wejigeeda hadday dhaqdo sida kobta ayuu noqonayaa waa sida waraabaha.

Waxaa kaloo jira naagta qaab kale inay isku baddasho naagaha gaagaaban waxay qaataan kabo dhaadheer ama kabo taako sida ay soomaalida ku magacaabaan.

Marka waxaa kaloo jiro naagaha naasaha yaryar waxay qaataan rajastiino oo salikoon ah oo naasaha soo buuriso oo loo maleeyo gabadha inay leedahay naaso waaweyn.

Gabdhaha dhuuban oo dabada yar waxay qaataan kastuumo salikoon ah oo loogu talagalay in dabada lagu weyneeyo.

Marka ninka waxaa laga rabaa inuu iska jiro.

Naagaha wejiga baddalay waxaa lagu gartaa maantoo dhan waxay soo galiyaan sawiro baraha buslaha iyagoo naashnaash kasoo daalay.

Heer waxaa la marayaa ninka in loo ekeeysiiyo dumar iyadoo la adeegsanayo makeup.

Eeg sawir aad la yaabayso qof wejigiisa gabi ahaanba lagu baddalay makeup:

quruxda beenta

 

Sawirakan ayaad ka dareemi kartaa waa hal nin oo wejigiisa ku baddalay makeup wuxuu ka dhigay qaabab kala duwan qofkii sawirkaas arko ama qofka la kulmo wuxuu u qaadanayaa qof jiro oo quruxdaas leh. 

 Teeda kale waxaa jirta xagga jirka taas way iska caddahay naagaha buuran iyo kuwa caatada ah xataa dhinaca raaxada way ku kala duwan yihiin.

Halkan ka akhriso raaxada iyo qaabka ay kala yihiin dumarka cayilan iyo kuwa dhuuban oo lafaha ah.

Marka quruxda siyaabo badan ayaa loo eegayaa ee yuuna ku sirin weji laguusoo naashnaashay.


Post a Comment (0)
Previous Post Next Post