Caanaha mac ninka waxa ay u taraan xagga sariirta

Caanaha mac dadka soomaaliyeed dhaqan ayay u leeyihiin inay cabaan mar kaste, siiba caanaha lo'da iyo caanaha geela.

Hadaba caanaha maxaa laga helaa caafimaad ahaan.

Caanaha mac ninka waxa ay u taraan xagga sariirta

Nafaqada caanaha iyo dhismaha lafaha

Caanaha waxay dhisaan lafaha jirka, ilmaha yar marka la quudinayo waa in la siiyaa caano, qofka marka uu ku dadaalo inuu caano cabbo wuxuu ka helaa macdanta lagumagacaabo kalsium kaas oo lafaha u roon.

Ilmaha yar yar marka cunto la siinayo waa in la siiyaa caano mac, waliba waxaa fiican habeenkii in la siiyo marka uu seexan rabo cunuga yarm waxaan ula jeedaa ilmaha naasnuugga aan ahayn, waayo ilmaha naasnuuga maba qaataan waxan caano ahayn.

Caanaha iyo kacsiga ninka

Raga markay caanaha cabbaan waxay ka helaan awood dhanka sariirta, ninka wuxuu dareemayaa dareen kacsi marka uu caanaha badsado.

Dumarka garaadka fiican leh xiliga galmada ragooda waxay usoo diyaariyaan caano, markuu hal biyaajo galo galaas caano ayuu qac ka siinayaa, ninka wuxuu dareemayaa awood inuu helay galmada kadib, waxaana fiican markuu caanaha cabo kadib inuu ku noqdo hadduu rabo inuu galmo biyaajo labaad.

Raga qaar iyagoon caano cabin ayay dhoer biyaajo gali karaan, laakin waxaa fiican qofka markuu raaxada galmada dhamaysto oo uu byabaxo inuu galaas caano ka tuurto.

Waliba waxaa la sheegaa caanaha inay biyaha ninka badiyaan, halkaan ka akhriso dhalmada waxa u fiican.

Caanaha geela iyo kuwa lo'da kuwee fiican

Runtii caanaha geela waa daawo aad bay uga duwan yihiin kuwa lo'da in kastoo guud ahaan ay wax badan wadaagaan hadana labo ayay kala yihiin.

Caanaha lo'da subaga ayaa ku badan laakin caanaha geela sidaas ma aha.

Teeda kale caanaha geela jirooyin badan ayay ka hortagaan sida cudurka kansarka oo kale, laakin caanaha lo'da marka aad laysaga badiyo waxaa laga yaabaa inay keenaan cudurka sokorta.

Caanaha marka farmaajo laga sameeyo nafaqo ma laga helaa ?

Caanaha qaabab badan baa loo sameeyaa cuntooyin badanna waa lagu daraa sida shukulaatada oo kale, sidoo kale farmaajo ayaa laga sameeyaa oo rootiga la marsado.

Qaab kaste ay yihiin haddii aan subaga laga saarin waa laga helaa wixii laga heli lahaa caanaha dhaayda oo hadda lasoo lisay.

Caanaha dhaayga iyo caana booraha yaa fiican?

Caanaha daasada ama caana boorada waxa loo yaqaano waa caano dhaay la qalajiyay waxaa lagu daray wax lagu magacaabo jalaatiin.

Caanaha dhaayga iyo caana booraha yaa fiican?

Caanahaas iyo kuwa dhaayda hadda lasoo lisay wax badan ayay wadaan laakin waxaa fiican kuwa dhaayda ah oo dabiiciga ah oo aan lasoo marsiinin warshad.

Waxaa kaloo aad ogaataa cuntada warshadda soo marto in lagusoo daro daaoowyin ka ilaaliya hallaawitaanka, taas caafimaad ahaan ma fiican in qofka jirkiisa ay ka badato, waayo waxay keenaysaa dhibaatooyin iyo jirooyin.

Marka waxa aad cunayso ha ahaado wax dabiici ah oo aan wax kale lagu darin.

Teeda kale caanaha booraha waa in layska hubiyaa jalaatiinka lagu soo daray meesha uu ka yimid, waayo jalaatiinka waxaa laga soo saaraa maqaarka xoolaha iyo lafahooda, waxaa laga yaaabaa in laga soo saaro xayawaan aan xalaal ahayn marka dadka ku nool wadamada gaalada waa inay iska ilaaliyaan caanaha booraha xataa shukulaatada waayo waxaa ku jiri kara subag doofaar.

Guud ahaan caanaha dabiciga ah ninka way u roon yihiin sariirtana way ka caawinayaan, laakin waxaa la rabaa inuusan iska badinin caanaha mac, waxaa aad u fiican caanaha garoorka aan subagga laga saarin xataa caloosha ayay u roon yihiin.

Garoorka qabowga ayaa laga wadaa ee ma aha caana garoorka dhanaanka ah.

Teeda kale qofka marka uu  hal mar naagtiisa galmo la sameeyo oo uu rabo inuu mar labaad waso waxaa fiican inuu caano cabbo taas waxay siinaysaa awood dheeri ah, wixii jirkiisa ka baxayna wuu ilaasanayaa ma dareemayo tabaryari.

Raga baadiyaha ku nool iyagoon cunto cunin ayay caano ku quraacdaan kuana qadeeyaan kuna casheeyaan, waxaa laga yaabaa inay soor ku cunaan habeenkii iyagoo sidaas ahna kacsi ayay dareemaan.

Marka caanaha wax fiican ayay u taraan raaxada raga iyo awooda ay u leeyihiin inay galmo sameeyaan.

Halkan ayaad ka akhrisan kartaa faahfaahin dheeraad oo caanaha la xiiro


Post a Comment (0)
Previous Post Next Post